Salagle TV

Maxaa laga filayaa inuu ku soo dhammaado shirka Golaha Wadatashiqa qaran.

warka

Waxaa maanta lagu wadaa magaalada muqdisho in lagu soo gaba gabeeyo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dowladda dhexe iyo gobolka bndir iyo maamul gobolleedyada dalka.

Shirka ayaa maalinkii 1-aad: looga hadlay  la-dagaalanka argagixisada iyo dhameystirka iyo dhameystirka dastuurka uu muranka badan ka taagan yahay.

Halka maalinkii labaadna  lagu wareestay hogaamiyaha ssc khaatumo state cabduqaadir aw cali firdhiye  iyo sidoo kale arrimaha guddiga doorashooyinka.

Maalintii  3-aad: Waxaa madaxda maamullada loo jeediyay sharaxaad ay Madaxtooyada soo diyaaarisay oo la xiriirta dagaalka, tirada ciidanka, qorshaha iyo nooca hubka. Waxaana goluhu warbixin ka dhageystay wasiirka gaashaandhiga iyo taliska ciidanka xoogga dalka.

Haddii aanay maanta madaxda maamullada aanay la imaan qorshe wax badan oo cad cad kama soo baxayaan kulankan. Xasan waxa uu iibsanaya waqtiga, maamullada qaarna waxaa laga yaaba inay tareenkiisa ka boodan markii ay deegaanadooda ku laabtan.

Xoggo qarsoon oo madaxda qaar ee maamul gobolleedyada ay bxiyeen ayaase sheegaya in qorshaha villa somaliya ee shirkan inuu yahay mudo kororsi aamusan maadaama madaxda  maamullada uu ku yiri madaxweyne xasan sheikh Aan dagaalka aadno, markii aan meel fiican ka gaarno aan iskugu imaano arrimaha doorashooyinka, ka horna anigu far ma saarayo guddiga doorashooyinka, saasna aan isku aamino.

Si kastaba waxaa lawada sugayaa go’aanada ka soo bixi doono shirka golaha wadatashiga qaram kaas oo la filayo maanta in lagu soo gabagabeeyo magaalada muqdisho