Halkaan ka,akhriso . Wararkii ugu dambeeyay ciyaaraha
- kooxda kubada cagta juventus oo markii 15aad ku guulaysatay cope italy kadib kulan adag oo laciyaareen kooxda atlanta .
- kooxda man united oo kusoo laabatay wadada guulaha kagadaal gool darrooyin xiriir oo ay lakulmaysay isbuucyadii ugu dambeeyay.
- chelsea -na waxay hal tilaab ujirtaaa in ay usoo baxda tartanka europ league.
FAAHFAAHIN:
kooxda juventus ayaa xalay markii 15aad ku guulaysatay coppa italia iyadoona ciyaartii finalka gaol io waxba ku garaacday kooxda atlanta .
Bilaawgii iyadoon ciyaarta gaarin 5 daqiiqo ciyaartowga dusan vlahovic ayaa goal waxba kadhigay ciyaarta goal-kaasi madiga ah ayaana juve kasaaciday in ay kuguulaystaan koobkaan oo ay ugu dambaysay sanadii 2020 kii.
Dhinaca horyaalka premier league
Kooxda kubada cagta man-united ayaa kusoo laabatay wadada guusha waxayna 3 goal io 2 ay ku garaaceen naadiga newcastle united
ciyaarta oo ahayd mid adag ayaa labada koox ba waxaa usuura gashay in goal badan iska dhaliyaan taasi oo ugu dambayn sabatay in guusha ay marto dhinaca manchaster united .
labadaan koox ayaa isku haysta boosaska sarsare ee loogu soo baxo tartamada yurub waxayna min 57 dhibcood ku kala joogaan boosaska 7 iyo 8aad newcastle ayaana ku horaysa farqiga goal-sha .
Kooxda kubada cagta chelsea waxa ay hal dhibic ujirtaa in ay usoo baxdo tartanka 2aad ee ay ciyaaraan naadiyada reer europ ee loo yaqaano Europa league.
Chalsea waxay garaacday kooxda brigton and hove albion ciyaar ay goalal dhaliyeen cole palmer io nkunko oo bedel kusoo galay ciyaarta iyadoo daqiiqadii 88 aad kaarka cas loo taagay kabtankooda rece james.
Ciyaarahaan waxa ay gabegeba u,ahaayeen kulamada 34 aad ee horyaalka premier league.
Sidoo kale kulamo dhowr ah ayaaa laga ciyaaray horyaallada spain io france isbuuca dambe ayaana lasoo gebagebaynayaaa dhamaan horyaallada kala duwan ee qaarada europ haddayna wax isbedelin.