Ehellada xukunsane say cali macalin daa,uud oo kasoo horjeestay xukunkii lagu ridey
Ehellada xukunsane sayd cali macalin daa,uud ayaa maanta waxa ay magaalada muqdisho kadhigeen dibad bax aad ubalaaran kaasi oo ay kaga soo horjeedaan xukunkii dilka ahaa maxkamada racfaanka gobolka banaadir .
Ehellada sayd cali oo isuugu soobaxay isgowska km4 ee magaalada muqdisho ayaa waxa sheegeen in aysan kuqancin xukunkii maxkamada isla markaana aanay jirin wax caddaymo oo wiilkooda uu kumutaysan karo dil toogasha ah.
waxay si cad usheegeen in wiilkooda uusan dilin marxuumad luul cabdi caziiz maxamed gibi ahaanna waa ay kasoo horjeestaan go,aanka maxkamadaha gobolka banaadir.
Ehellada waxa ay ku doodeen in aanay jirin cid aragtay say cali macalin uu gobaya luul inkastoo ay xusid mudantahay in xukunka maxkamada aan lagu dhisin markaati .
xaakimka aqrinaye bayaanka maxkamada uu sheegay in xukunkiisa uu dhisay qaraa,in oo loo jeedo falsafado maan gal kuwaasi oo caddeynaya in qofka falka uu geestay.
Hooyada sayd cali oo warbaahinta lahadashay ayaa maxkamada racfaanka ku,eedeysay in wiilkeeda lagu xakumay soo jeedinta xeer ilaalinta oo kaliya waxayna madaxwaynaha jamhuuriyada kacodsatay in uusan saxiixin dilka willkeeda.
Si kastaba ha,ahaatee maxkamada racfaanka ee gobolka banaadir ayaa dil toogasho kuxuntay sayd cali daa,uud oo lagu helay dimbi ah in uu gubay xaaskiisii luul cabdi caziiz iyadoona iyiday xukunkii maxkamada derajada 1aad ee gobolka.