Salagle TV

Duufaanta laga cabsi qobo in ay kudhifato koonfurta soomaaliya

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa markale ka digtay Duufaaano culus laga cabsi qobo in ay kudhuftaan qaybo kamid ah gobollada xeebaha leh ee somaliya .

Duufaataan oo loogu magacdaray 𝗟𝗮𝗹𝘆, ayay hay,ada sheegtay in ay ku soo wajahantahay magaaloyinka Xeebaha dhaca, si gaar ah Magaalooyinka Muqdisho, Baraawe, Marka , jamaame , Kismaayo Iyo Badhaadhe , waxana ay bulshada uga digtay in ay taxadaraan.

Qoraal dheer oo lagu daabacay boggo facebooka ee sodma ayaa lagu yiri .

Laga soo bilaabo talladadii lasoo dhaafay oo ay taariikhda kubeegneed 14/5/2024 waxaa bilaalwaday curashada dabaysha LALY.

Taroobikaalka duufaannadaan ayaa kubilawday xawaare sare iyadoo marba marka kadambaysa ay soo xoogaysanaye lagasoo bilaabo 16kii ilaa iyo 19kii bisha waxayna kusocotay xawaare aad usareeya oo udhaxeeya 75 ilaaa 100KM/H
iyada oo jihooyin kala duwan u leexleexasanaye.

Duufaantaan oo afka qalaad lagu yiraahdo (Tropicalcycolone) ayaaa waxaa ay hay,ada sheegtay in ay ka,imaanayso dhinaca jihada koonfureed ee badwaynta hindiya,ee magaalooyinka dhaca xeebaha koonfur galbeed io banaadir

Duufaantani cabsida leh maanta waxa ay maraysaaa xawaare udhaxeeya 85 ilaaa 100KM/H waxayna xowle ugu socotaa magaalooyinka ay kamid tahay magaalada caasimada ah ee muqdisho


Iyada oona laga yaabo in ay kufido magaalooyin aan ahayn kuwa aan kor kusoo xusnay

Hay,ada maareenta io masiibooyinka soomaliya waxa kale oo ay qoraalkeeda kusheegtay in duufaantan ay geesanayo burbur aad udaran waaba haddii ay dhacdee.

Arrintaan soo kororte ayaa durbana waxay walaac ka,abuurtay guud ahaan dalka si gaar ah magaalooyinka loo degay oo ay caasimada kujirto.

Si kastaba ha,ahaatee hay,ada maareenta io masiibooyinka soomaliyeed ee SODMA ayaa kol hore sidaan oo kale uga digtay duufaantii Ilniina taasii oo ay usheegtay in ay sababi karto roobab dabaylo iyo duuufaan wata kuwaasi oo kudhufta magaalooyinka qaar gaar ahaan kuwa kuyaala jiinka wabiga

FARQIGA UDHAXEEYA LALY IO ELNIINA

Duufaantaan soo kororte ee hay,ada maareenta masiibooyinka soomaliyeed ee Sodma ay kadigtay waa duufaan kaduwan Elniina waxayna wadataa bitaanna iyo dabaylo hor leh kuwaasi oo lafal gelay heerka jiilaal maadaama uusan sidii loo baahnaa u,din roobkii guga ee lafaliye

Halka Elnina ay lafal gelaysa heerar buux dhaafka wabiyada waxayna wadatay dhul go,o iyo fatahaado