Salagle TV

Warka

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa shaaciyay in uu aqalka madaxtooyadda dalkaas kula kulmay ergayga gaarka ah ee Somaliland Dr Jaamac Muuse Jaamac, oo ay ka wada hadleen arrimaha Somaliland iyo Somalia.

Museveni oo ciidamadiisu kaalin weyn ku leeyihiin howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu aqbalay in uu door nabadeed iyo dhexdhexaadin ka ciyaaro arrimaha Somalia iyo Somaliland. Waxa uu intaa ku daray in labada dhinac ay u baahan yihiin inay wada hadlaan oo midnimo ku heshiiyeen, taas oo ah arrin ay horey uga miro diiday Somaliland, oo dooneysa inay noqoto jamhuuriyad madaxbanaan oo la aqoonsan yahay.

Museveni oo ah hoggaamiye jabhad oo hore oo xukunka dalkaas hayay todobo iyo soddonkii sano ee u dambeeyay, ayaa loo arkaa in uu saameyn weyn ku leeyahay siyaasadda amniga ee Soomaaliya, isaga oo tababaray kumanaan ciidan Soomaali ah, islamarkaas na dhowr jeer dhexdhexaadin iyo heshiisiin u sameeyay siyaasiyiinta Soomaaliya xilliyo kala duwan.