Salagle TV

Ku dhawaad tobban caruur oo badda ay qaaday ayaa laga baadi goobayaa magaalada marko.

Sida wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose ay xaqiijinayaan  waxay maanta baddu qaaday 7 carruur ah,

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada marka iyo qaar ka mid ah ehellada carruurta baddu qaaday oo xariiro kala duwan aan la sameynay ayaana arinta inoo xaqiijiyay..

Sida aan xogta ku helnay laba ka mid ah carruurta ayaa la sheegay in lasoo badbaadiyay maanta, halka mid kalana maydkiisa laga soo saaray badda.

Waxaase hadda badda ku maqqn oo weli baadi goobkoodu uu socdaa afar ka mid ah carruurtii baddu qaaday,

Wxaana lagu guul-dareystay dadaallo la sameeyey maanta oo lagu soo badbaadinayey carruurta.

Warar kale ayaa sheegaya in labada wiil ee laga soo badbaadiyey badda ay ku jiraan xaalad caafimaad oo aad u liidata,

Waxaana lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee ku yaalla magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose.

Maamulka degmada, dhalinyarada iyo kalluumeysatada magaalada Marka ayaa ilaa hadda waxay waadan dadaallo ay ku baadi goobayaan carruurta 4-ta ah ee weli ku maqan badda.

Inta badan maalmaha khamiista iyo Jimcihii oo carruurtu ay fasaxa ka yihiin goobaha waxbarashada ayey soo aadaan badda,

Balse dabeylo zaaid ah oo jira aawadeed ayaa la sheegayaa in caruurtani ayqabsatay xaalad adag, kadib markii mowjado duufaan ah ay ku kaceen.

Carruurta weli ku maqan badda labo ka mid ah waa walaalo ah sida goobjoogayaal aynu ka soo xiganay.

Waxeyse bad maaxayaashu ay sheegayaan in  Xilliyadaan oo kale markii la gaaro sanad waliba bisha 5aad gaar ahaan xeebaha koonfureed ay baddu kacdo, isla markaana aan lagu dhiiran karin  la galo badda.

Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Soomaaliya ee sodma ayaa shaacisay in laga cabsi qabo in magaalooyinka koonfurta dalka ee saaran xeebta ay ku soo fool-leedahay duufaan xoogan oo lagu magacaabo Laly, taas oo ku dhufatay qaar ka mid ah xeebaha dalalka Bariga Afrika.