Jubbaland dadaalka waxbarasho ee ka socda.
Wasaaradda waxbarashada ee dowlad gobolleedka Jubbaland waxay ka dheereyneysaa dowlad gobolleedyada kale ee dalka ka jira.
Mashaariicda lagu xasuusto wasaaradda waxbarashada ee maamulkaas ayaa kamid ah dhismaha sideed goobood oo waxbarasho kuwaas oo wasaaradu ay ka hergalisay duleedka waqooyi ee magaalada kismaayo.
Goobahan waxbarasho ayaa laga dhisay deegaano ay kamid yihiin baar-sanguuni iyo Qaam-qaam.
Sidoo kale jubbaland iyo dadaalkeeda Waxbarashada dalka waxaa kamid ah kullan weynihii magaalada kismaayo ugu soo idlaaday masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta ee dowladda dhexe ee somaliya iyo wasaaradaha waxbarashada ee dowlad gobolleedyada ee dalka.
Kullankan oo lagu soo gabagabeeyay magaalada kismaayo ayaa musliiyintii ka socotay la hadlay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe isagoona sheegay iskaashi dhexmara wasaaradaha waxbarashada dowlad gobolleedyada iyo tan federaalka inay sare u qaadeyso tayada iyo qiimaha waxbarashada ardayda soomaaliyeed.
Dhanka iskuulada ugu faca weyn ee kuyaala deegaanada jubbaland waxaa kamid ah iskuulka hoose dhexe iyo sare ee loo aqoon jiray beri samaadkii Jamaal Cabdinaasir balse 2010kii loo bixiyay magaca Khaalid bin Waliid.
Iskuulkan oo arday badan ay ka aflaxeen tan iyo markii dhidibada loo taagay ayaa kuyaala magaalada kismaayo.
Waxaana ka howlgala barayaal kor u dhaafaya 40 macalin oo rag iyo dumar isugu jira.
Wasaaradda Waxbarashada ee jubbaland ayaa markii laga soo tago adeegyada Aas aasiga ee iskuulada ay u fuliso waxay sidoo kale u qabataa tabbabaro sare loogu qaadayo aqoonta macalimiinta.
Kullan toddobaadkii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada kismaayo una dhaxeeyay culumaaudiinka magaalada kismaayo iyo bahda macalimiinta ayna soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashada jubbalnd ayaa looga hadlay qishka ardayda xilliyada imtixaanada iyo sida loo cirib tiri karo.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada jubbaland Muqtar kamil.
Gun iyo gunaanadkii ardayda ka socota iskuulada jubbaland ayaa sanadkaan kaalmaha hore ka galay imtixaankii dowladda ee gobolka banaadir iyo maamul gobolleedyada.
Deeqo maxamed cabdullaahi oo kamid ah ardayda iskuulka faanoole ayaa kaalinta koowaad ka gashay imtixaanka sanadkan halka kaalinta sedexaadna uu nasiib u yeeshay Muuse maxamed xasan oo dhigta iskuulka Horyaal ee magaalada kismaayo walow arday kale kaalinta ay isla galeen.
Tani ayaa muujineysa dadaalka iyo horumarka xagga waxbarasho ee jubbaland ay ku talaabsaneyso.