Wakee aaga canshuuraha ka caagan ee uu booqday gudoomiye Aadan Madoobe
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Maxamed Dileita ayaa maanta booqasho ku tagay Dekadda iyo Goobaha Canshuuraha ka Caagan ee dalkaas.
Guddoomiye Sheekh Aadan iyo dhigiisa Jabuuti ayaa warbixin ka dhageystay Madaxda Dekadda Jabuuti, iyagoo uga warbixiyay hanaanka shaqo ee dekadda iyo horumarada ay ku talaabsatay sanadihii dambe, waxaana uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku amaanay madaxda dowlada Jabuuti sida ay uga go’antahay horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo u adeegida shacabka Jabuuti.
Gudoomiyaha golaha shacabka sh aadan maxamed nuur madoobe waxaa uu maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa dalka aan walaalaha nahay ee jamhuuriyada jabuuti waxa uuna kulamo gaar gaar ah halkaasi kula yeeshay madaxda sare ee dalkaasi sida maxwaynaha,ra,isul wasaaraha iyo gudoomiyaha golaha shacabka dalkaasi.